Ciidamo fulinaya Howlgalo ka dhan ah Al Shabaab oo la diyaariyay (Daawo Sawirada)

Maamulka Jubbaland ayaa diyaariyay ciidamo badan oo loogu tala galay in ay ka qeyb qaataan howlgalo balaaran oo la doonayo in Al Shabaab looga saaro deegaanada uu ka taliyo maamulka Jubbaland.

Ciidamo katirsan Daraawiishta Jubbaland ayaa lagu diyaariyay saldhig kuyaala deegaanka Cabdalla Biroole ee duleedka magaalada Kismaayo, waxaana ciidan la sheegay in ay u diyaar garoobeen dagaal ka dhan ah Al Shabaab .

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa tagay saldhiga ciidamada Daraawiishta ku leeyihiin deegaanka Cabdalla Biroole, waxa uuna halkaasi kula kulmay ciidamada iyo saraakiisha hogaamisa.

Axmed Madoobe oo la hadlay ciidanka iyo saraakiisha uu la kulmay ayaa sheegay in uu bilaabanayo howlgal balaaran oo lagu doonayo in Al Shabaab looga saarayo deegaanada ay ka joogaan Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in deegaanka cabdalla Biroole deeganada ku dhow sida ugu dhakhsiyaha badan loo xorayn doono isla markana dhamaan jidadka la furayo.

Maamulka Jubbaland ayaa marar badan ku dhawaaqay in ay bilaabayaan howlgalo Al Shabaab looga saarayo deegaanada ay maamulaan, waxaana xusid mudan in Al Shabaab heetaan guud ahaan Jubadda Dhaxe halka Jubada Hoose iyo Gedo ka joogaan meelo badan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -